February Ilaa Maanta:- Tirro Koob Inta Qarax Ee Dalka Ka Dhacday, Inta Ruux Ee Ku Geeriyootay Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Ammaanka Dalka (Warbixin Mudan In La Akhriyo)

Laga bilaabo 8-dii Bishii 2-aad ee sannadkan ama February,saacadda 08:30 habeenimo dalka Soomaaliya waxaa madaxwayne ka ah Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo.

Tan iyo xilligaas dalka waxaa ka dhacay qaraxyo kala duwan oo dad badan ay ku dhinteen, haddaba hay’adda sirdoonka iyo nabad gelyada qaranka ee NISA oo lahayd shaqada ilaalada ayaa gabtay hawsheeda sida ay qabaan dadka kasoo horjeeda ama mucaaradka ku ah dawladda curddinka ah.

tan iyo xilligaas dalka waxaa ka dhacay 44-qarax oo ay kujiraan labadii qarax ee dalka ka dhacday 24-kii saac ee lasoo dhaafay,waa  inkabadan qaraxyadii dalka ka dhacay sannadkii lasoo dhaafay, balse marka aan 44 qarax u qaybino afarta bilood ee xafiiska uu fadhiyo Farmaajo waxa inoo soo baxaya in bil kasta 11-qarax uu dalka ka dhacayay, sidoo kalena todobaadkii isku cel celis ahaan laba qarax iyo waxkabadan uu dalka ka dhacayay.

Caruur badan ayaa ku agoontawday, hooyooyin badan ayaa ku carmaloobay oo xaasaskooda ku waayay, halka dad badanna ay ku ceyrtoobeen, hasa yeeshee dawladda ayaa u baahan in muhiimad gaarka siiso ammaanka, maadaama waxa ugu wayn ee lagu heystay dawladdii hore ay ahayd ammaanka.

Inkastoo magaalada Muqdisho laga dareemay nabad aad u wayn bishan kaddib ammaan sugid iyo isxilqaamid ay sameeyeen ciidanka qaranka, haddana mar walba waa laga maarmaan in la damaanad qaado ammaanka  iyo nabad gelyada dadka iyo dalka.