Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaannada Mooshinka Ka Wada Ra’iisul Wasaare Kheyre (Haddaba Maxay Ku Heshiiyeen?)

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo ayaa la kulamay qaar kamid ah xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Kheyre, kuwaas oo beryihii lasoo dhaafay ku shirayay magaalada Muqdisho.

15 Xildhibaan oo kamid ahayd xildhibaanadii ku shiray todobaadkan Hotel SYL ayaa la kulmay madaxwaynaha, waxaana ay kawada hadleen suura galnimada sidii loo hakin lahaa Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Kheyre oo ay aad u dhalliilsan yihiin.

Shaqsiyaad aad looga garanayo ayaa kamid ah dadka aan la dhacsanayn Kheyre iyo xukuumaddiisa, maadaama ay sheegeen in qaabkii hore wax loogu qaybsan jiray uusan ba isticmaallin.

Si kastaba ha ahaatee madaxwayne Farmaajo ayaa u sheegay in ay hadda dib u dhigaan, baddalkeedana uu la hadli doono ra’iisul wasaaraha, islamarkaana uu u sheegi doono dhallilada ay soo gudbiyeen xildhibaanada qaranka.

Xaaladda ayaa hadda sii noqonaysa mid aad u cakiran, maadaama uun 4 bilood wax kayar ay jirto xukuumadda cusub ee Kheyre, oo lasoo magacaabay bishii March sannadkan aynnu kujirno ee 2017.