Eng Yariisoow Oo Arrin Uu Kusoo Arkay Magaalada Madrid Ku Aflagaaddeeyay Beel Soomaaliyeed (Sheeko Xasaasi Ah)

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa weerar ku qaaday dhammaan dadka raadinaya maqaamka gobolka Banaadir, isagoona sheegay in yihiin kuwa burburiyay caasimadda, ardada u diiday in Iskuulada Aadaan, sidoo kalena ay ka degi wayday magaalada.

Facebook ga isagoo isticmaalaya ayuu weerarkan ku qaaday, xildhibaanada u ololeynaya maqaamka magaalada Muqdisho, balse wuxuu tusaalle ugu soo qaatay safarkiisii ugu dambeeyay ee uu ku tegay dalka Spain, isagona sheegay in uu soo arkay maamul goboleed ka dhisan magaalada madaxda Spain ee Madrid, wuxuuna sheegay middaas ay dhiseen dad diyaar u ah dawladnimada, iyo kala dambeynta.

Balse hadalkaas waxaa dood badan ka keenay qaar kamid ah xildhibaanada dawladda gaar ahaan kuwa deegaan ahaan kasoo jeeda Konfurta unna ololeeya maqaamka caasimadda.

Xildhibaan C/qaadir Caraboow Ibraahim oo kamid ah golaha shacabka ayaa aad u weeraray hadalka uu soo dhigay Facebook ga wasiir Yariisoow, isagoona dacwadda u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaalia.

Isagoo adeegsanaya isla Facebook ayuu ku andacooday xildhibaan Caraboow in uu wasiirka ku qaldamay islamarkaana sharaftida dadka deggan gobolka Banaadir uu meel kaga dhacay, lagana doonayo in uu raalli gelin bixiyaa, haddii uu middaas ka caagana ay la tiigsan doonaa ilaa maxkamad.

Waxaa isa soo tarayay khilaafka u dhaxeeya beelaha dega gobolka Banaadir, iyo saami qaybsigooda gobolka haddii la sameynayo maamul goboleed Banaadir State la yiraahdo oo qorshaha dawladda ku jira.

Haddaba hoos ka akhriso weerarkii Yariisoow uu soo dhigay Facebool giisa.