Deg Deg : Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Saakay Xukun Ridday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed ka fulisay Xukuno kala duwan oo isugu jira Dil iyo Xabsi intaba.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Dil ah ku ridday Maxamed Aadan Cali Barrow oo 16-kii Bishaan June Masaajid ku yaalla Magaalada Baydhabo ku dhex dilay Sheekh Maxamed Madeer oo Xilligaas Tukanayay Salaada Taraawiicda/

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Labo Nin oo kale islamarkaana la sheegay in ay Gacansiiyeen ku Xukuntay Xabsi daa’in ,

Goobta Xukunka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka isugu jira Dilka iyo Xabsi daa’inka.