Ciidamada Puntland oo Xiray Maqaayado ay leeyihiin Itoobiyaan

Saraakiisha ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay xirayaan xarunta ugu weyn ee xaaraanta lagu kariyo bisha Ramadaan, xaruntaas oo ay leeyihiin Itoobiayanka ku nool Magaalada Bosaaso.

Saraakiishu waxay sheegeen xaruntaasi in maalin walba oo Ramadaanka kamid ah lagu kariyo cuno xaaraan ah, islamarkaana dadka iskaleh ay iska dhago tireen digniino horey loosiiyay.

Ciidanka ammaanka magaalada Bosaso ayaa xaruntaasi  kasoo qabtay 24 qof oo ahaa dadka masoomayaasha ah, kuwaas oo lagasoo qabtay goobaha maalintii lagu kariyo cuntada xaaraanta ah.