Al-shabaab oo Soo Bandhigay Magaca Iyo Qabiilka Ninkii Fuliyay Weerarkii Degmada Wadajir

Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca iyo beesha uu kasoo jeeday shaqsigii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaay ee shalay lagu qaaday Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Maqal laga sii daayay Idaacadda ku hadasho afka Kooxda Al-­shabaab ee Andalus ayaa sheegtay in weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Degmada Wadajir uu ahaa mid Barakeysan islamarkaana lagu laayay Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya sida ‘aay hadalka u dhigeen.

Kooxda Al­-shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas ismiidaaminta uu fuliyey Abuukabar Cusmaan Cali oo Al-­shabaab dhexdeeda looga yaqan (Macalin Yaasir) kaasoo u dhashay Beesha Shiikhaal oo kamid ah beelaha Soomaliyeed.

Al Shabaab ayaa weeraro badan oo isugu jira qaraxyo ismiidaamin iyo kuwa toos ah ka fulisay magaalada Muqdisho, waxaana labadii weerar ee ugu dambeeyay ku dhintay dad ku dhaw 50-qof oo u badnaa dad shacab ah.