AKHRISO:- Qodobadii Kasoo Baxay Heshiiskii Gaalkacyo Ku Dhexmaray Galmudug Iyo Puntland

Beryihii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa kasocda wada hadalo u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo kan Galmudug.

wada hadalka ayaa ku qotomay sidii nabad buuxda loogu noolaan lahaa magaalo colaadeedka Gaalkacyo oo dhawr jeer oo horay diriri ka dhacday, ugu dambeyn waxaa lasoo saaray qodobadii lagu heshiiyay, islamarkaana la isla gartay in Gaalkacyo iyo labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay kuwada noolaan karaan.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in la sameeyo lana yagleelo ciidan qalabeysan oo isku dhaf ah, kuwaas oo si wada jir ah uga shaqaynaya xaaladda amaanka magaaladaas iyo goobaha kale ee miyigu kamid ah yahay, maadaama dagaalo badan oo daaqsin uu sabab u yahay uu ka dhacay meelaha ay iska galaan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Haddaba Hoos ka akhriso warqaddii heshiiska iyo qodobadii lagu heshiiyay