Wefddi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Booqday Hobyo

Cabdullahi Axmed Fahad oo ah guddoomiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in wafddi ka socda qaramada midoobay ay yimaadeen kormeerna ku sameeyeen degmada Hobyo.

UJeeddka socdaalkan ayaa ahaa in sare loo qaado amaanka magaaladaas, iyo sidoo kale in la hormariyo dhismaha dekadda wayn ee Hobyo, taas oo shaqo badan ay kasocoto, si lamid ah waxyaabaha kale ee ay ballanqaadeen waxaa kamid ah in ay furi doonaan xafiisyo Qaramada Midoobay ay leedahay oo ku yaalla degmadaas.

Hobyo ayaa kamid ah deegaanada taariikh ahaan qaddiimka ah, balse wakhtiyadii ugu dambeeyay faraha laga qaaday, guddoomiye Cabdullahi Axmed Fahad ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in waxyaabaha ay wafddigaas kala hadleen ay kujirtay xal u helidda kooxaha qawlaysato badeedka SOomaalida oo kasoo shiraacda deegaanno u dhaw Hobyo.