War Deg Deg:-Ciidamo Gadoodsan oo La Wareegay Xarumaha Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose xarumaha maamulka iyo wasaradaha qaar ee maamulka Jubbaland ayaa lagu waramayaa in maanta ay la wareegeen ciidamo ka mid maamulka Jubbland oo gadoodsan.

Ciidanka ayaa sida la sheegay ka gadooday Mushaar la’aan muddo haysata muddo bilooyin ah sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha horkacaysa ciidanka Gadoodka Sameeyey Maanta.

Waxaa lagu waramayaa in ay muddo kooban ciidanku ay la wareegeen xarunta wasaaradda Maaliyadda Jubbaland iyo sidoo kale xarunta Dowladda hoose ee magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin ka tirsan taliska ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan ciidanka gadoodka sameeyey iyo saraakiishooda maadaama ay sheegeen in loo sheegay in mushaaraadka ay la siinayo balse ay ka baxeen wixii la isku ogaa.

Dhinaca kale saraakiisha gadoodka sameeyey ayaa sheegay in aysan jirin wax ballan ah oo lala galay markii mushaaraadkoodi ay weydiisteenna wax jawaab ah aan la siinin.

Arinta ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka iyo dhaq-dhaqaaqii guud ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose,waxaana ciidanku ay xireen goobo ganacsi iyo xaruma kale oo magaalada ku yaalla kuwaasi oo Ciidanku ay sheegeen inaan la fureyn illaa inta ay mushaarkooda ay helayaan.

Wararkii iugu dambeeyey ee aan hadda ka helayno magaalada ayaa sheegaya in masuuliyiin ka mid ah Jubbaland ay la kulansanyihiin Saraakiisha Gadoodka sameeyey ayna doonayaan inay ku qanciyaan in xaalka ay wax ka badalaan wax walbana xal ay ku raadiyaan.