Soomaaliland Oo Mamnuucday Dhar Diinta Ka Dhan Ah Oo Suuqyada Hargeysa Lagu Arkay

Maamulka Soomaaliland ayaa xaqiijiyay in ay xabsiga u taxaabeen qaar kamid ah ganacsata soo dajisa dharka, gaar ahaan kuwa la sheegay in ay  soo dajiyaan Fanaanado ay ku xar dhantahay astaanta Saliibka ama Kirishtaanka.

Ciidanka Booliska iyo wasaaradda awqaafta oo is kaashanaya ayaa soo qab qabtay ganacsatada, waxaana la amray in aan lagu iibin deegaanada maamulka Soomaaliland dhar noocaas oo kale, kuwaas oo ka hor imaanaya diinta Islaamka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sidan oo kale maamulka Soomaaliland kaga soo horjeesto go’aan ay ganacsato ku keentay dhar aan diinta iyo sharciguba midna oggolayn.