Sawirro: Puntland oo Sheegtay in Al-shabaab ay Ku Laayeen Buuraha Cal Madow

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Puntland (PSF) ay  19-kii June, 2017-ka oo shalay aheyd  weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab  oo ku yaala Buuraha Cal Madow,Puntland.

Weerarkan ay ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen goobahaas ayaa waxay ugu geysteen Al Shabaab ayaa lagu yiri khasaare xooggan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho; waxayna kuburburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaystaan cadowga Al Shabaab oo ku yaal Buuraha Cal Madow.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Buuraha Cal Madow,Puntland.