Qarax Masuul ka Tirsan DFS Caawa Muqdisho lagula eegtay iyo Faah Faahin laga helaayo Qasaaraha

Wararka naga soo gaaraya Wadada Warshadaha  ayaa ku waramaya in qarax loo adeegsaday  Mooto in lala eegtay Masuul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo lagu magacaabo Cali Cusman Wehliye.

Qaraxa oo  Mooto loo adeegsay ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dhufto gaariga uu la socday Mas’uulka ka tirsan maamulka Degmada ee Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cali Cusman Wehliye.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay hal qof  halka dhawaca  laba ruux oo ah shacabkii wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaa jiro baaritaan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay saacado uun kadib markii qarax kale oo ismiidamin ahaa lagu weeraray xarunta degmada Wadajir.