Mid Kamid Ah Xildhibaanada Damul-Jadiid Oo Caddaalad Darro Ku Tilmaamay Xukunkii Maxkamadda Ay Ku Ridday Askarigii Dilay Wasiir Siraaji

Ex Wasiir ahnna xildhibaan qaran Mahad Salaad ayaa si aad ah uga soo horjeestay go’aankii maxkamadda sare ay dilka toogashada ah ugu xukuntay gacan ku dhiigle Caydiid oo ahaa askarigii dilay wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dejinta Cabaas Siraaji.

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa shalayto ku xukuntay in la dilo, kaddib markii ay ku caddaatay in uu laba xabadood ku riday gaariga uu watay wasiir Siraaji oo goor dambe u geeriyooday rasaastaas.

“Dad Muslimiin ah ayaan nahay. Islaamkuna waa Diinta Dawladda. Hay’adaheena Garsoorkuna sooma saari karaan go’aamo aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda. Sida ku cad Qodobka 2aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya.”

“Ninkaani si aan ulakas ahayn ayuu ku dilay walaalkeen Wasiir Abbas Siraaji AUN sida maxkamada laga hor cadeeyay. Dadkii uu ka dhashayna diyaar ayay u ahaayeen inay la xaalaan Eheladii Wasiir Abbas Siraaji”:–Mahad Salaad ayaa kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Facebook ga.

Mahad ayaa ah mid kamid ah shaqsiyaadka sida aadka ah u dhaliila dawladda cusub ee Farmaajo, inkastoo uu isaga ahaa qof taabacsan kooxdii laga adkaaday ee Damul-Jadiid haddana arrinkan aad ayuu kaga soo horjeestay in la qaarijiyo askariga dilay Siraaji.