Mid Kamid Ah Diyaaradaha Isticmaala Garoonka Aadan Cadde Oo Uu Dab Qabsaday Iyo Khasaaraha Oo Sii Badanaya

Xalay saqdii dhexe, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ay cillad farsamo soo wajahday mid kamid ah diyaaradaha yar yar ee isticmaala garoonka, kaddib markii uu dib qabsaday.

Diyaaradda uu dabka qabsaday weli saxaafadda looma soo bandhigin magaceeda, balse waxaa la xaqiijiyay in uu dabka qabsaday, xilli ay qorsheynaysa in ay ka duusho garoonka Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

Illo ku dhaw dhaw Gaggadda dayuuradaha ayaa xaqiijiyay in diyaaradda marka hore ay duushay, balse daqiiqado kaddib ay ciladda soo wajahday, dabadeedna ay dib ugu soo noqotay garoonka, halkaas oo caawinaad loogu fidiyay.

Lama yaqaano waddanka laga leeyahay iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay ciladda farsamo ee soo wajahday dayuuradda, oo ahayd mid mar walba isticmaasha garoonka Aadan Cadde.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi qaddaro