Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Maaliyadda Maamulkaas Maxamed Maxamuud Cabdulle,waxaana uu magacaabay Beddelkiisa.

Madaxweyne Cosoble ayaa xilka Wasiirka Maaliyadda u magacaabay Zaki  Cabdi Xaraare,kaas oo hadda noqday Wasiirka cusub ee Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa uu maalmihii la soo dhaafay xil ka qaadis ku sameyay Mas’uuliyiin heer maamul iyo heer Degmo waxaana ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Maamulka Hiiraan oo ilaa heer degmo xilka laga qaaday.

Sidoo kale waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Maamullada Degmooyinka Balcad,Mahaddaay iyo Jalalaqsi,kuwaa soo qaarkood laga soo horjeestay.