Halkee Bay Ku Kulmeen Xildhibaannada Mooshinka Ka Wada Ra’iisul Wasaare Kheyre? (Sir Daahsoon)

Habeenkii Axadda ay sii baxaysay Isniintana lasoo dhaweynayay ayeey ahayd markii 45 xildhibaan oo ka kala socda aqalka sare iyo kan hoose ay ku shireen hotelka SYL, shirkaas oo looga soo horjeeday xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Kheyre.

Hadafka xildhibaanada ayaa ah in ay Mooshin ka gudbiyaan Kheyre oo aysan siyaasad ahaan ka helin, islamarkaana ay u baahan yihiin meel kaga soo jeedsashada xukuumaddan curddinka ah ee la magacaabay bishii March ee sannadkan.

War aan dhawaan qornay ayaa sheegayay in 137 xildhibaan ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha, balse madaxwayne Farmaajo ayaan diyaar u ahayn in uu daafaco Kheyre, maadaama siyaasad ahaan xitaa labada nin ay is keeni waayeen.