Halkee Baa Lagu Soo Diyaariyay Qaraxii Ka Dhacay Degmada Wadajir?

Waxaa Maanta kadhacay magaalada Muqdisho Qarax khasaaro geystay, kaas oo ay mas’uuliyiin dawladda ahi ku waxyeeloobeen.

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah helkee baa lagu soo diyaariyay qaraxaan qaabkiisa ku cusub yahay magaalada Muqdisho, maadaama uu waday khudaar nooca maalin laha ah.

Warar hoose oo ay helayso Shaaciye.com ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo diyaariyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana uu soo galiyay magaalada darawal aan ahayn kan isqarxiyay.

Dhawr jeer oo ayeey ciidanka xasillinta caasimadda siyaabo kala duwan u istaajiyeen, balse mar walba waxa qaraxa uu ka hooseeyay khudaarta lagu soo raray gaariga.

Ugu dambeyn magaalada markii uu soo galay, hal habeen ayuu ku beryay degmada Wadajir, subixii hore ayaa loo kaxeeyay dhanka Suuqa wayn, mana jirin qof ka shakiya gaariga, maadaama uu waday khudaar, suuqana uu ka ag dhawaa.

Mid kamid ah askarta Minishiibiyada ayeey isku dhageen, kaas oo muranka u sararay in gaariga loo kaxeeyo dhanka xarunta degmada, waxaana ay middaas fududeysay in qaraxa uu khasaaro badan geysto, sida dadka goobjoogayaasha ah u ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Wixii Warar ah oo kasoo kordha dib ayaad kala socon doontaa, ee baaqi ku ahaada halkan Shaaciye.com