Fiirso Sawirro: Puntland oo Boosaaso Kusoo Bandhigtay Rag Kasoo Goystay Daacish 20th June 2017 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Viber Maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kusoo bandhigay 8-nin oo horey ugu tirsanaa Xarakada Al-shabaab balse goor dambe isku dhiibay kooxda Daacish-ta Soomaiya ee ka dagaalanta buuraha Galgala ee Gobolkaas. Ragaan ayaa dhawan isku soo dhiibay Maamulka puntland,waxaana hogaaminayay taliyahooda,Magaalada Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Eng C/xakiim Xaaji Cumar Camey iyo Mas’uuliyiin kale. Warbaahinta ayeey ragan la hadleen waxayna sheegeen inay fekradii hore ka laabteen, kana codsanayaan shacabka Soomaaliyeed in ay cafiyaan.