Faah-Faahino Dheeri Ah: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho, Goobta Iyo Cidda Lala Beegsaday!

Faafaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaarro geystay oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari lagu soo xiray, sida ay sheegayaan dadka deegaanka, wuxuuna ka dhacay Korontada iyo Suuqa Wayn inta u dhaxeysa oo sare ka ah Airport ka magaalada Muqdisho.

Warar hoose oo aan ka helayno maamulka degmada Wadajir ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa ismiidaamin lala eegtay xarunta degmada oo aan ka fogayn Xaafadda Suuqa wayn ee degmada Wadajir.

Khasaaraha ayaa ah mid aan la caddeyn karin hadda, balse waxaa hubanti ah in weerarkaas uu khasaaro badan geystay maadaama xarunta degmada ay mashquul tahay saacadahan oo kale.