FAAH-FAAHIN:- Ma Dhabbaa In Guddoomiyaha Degmada Wadajir Uu Ku Dhaawacmay Qarixii Ka Dhacay Degmadaas?

Wararka kasoo kordhaya Qarixii dhawaan ka dhacay degmada Wadajir waxa ay sheegayaan in lala beegsaday gudoomiyaha degmadaas Cumar Cabdullahi Xasan kaas oo dhawaan uun loo magacaabay xilkaas.

Wararka waxay intaas ku darayaan in weerarka uu ka dhacay agagaarka xarunta degmadaas, uun geystay gaari caasi ah oo la ag dhigay xarunta.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in guddoomiyaha uu dhaawac kasoo gaaray weerarkaas, gacana ay ka go’aday, balse ma ahan war weli la xaqiijiyay oo la isku haleen karo.

Wixii Warar ah oo kusoo kordha Mahaan kala soco.