DEG DEG: Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in qarax aad u wayn uu ka dhacay meel loo maleynayo in ay tahay agagaarka Airport iyo inta u dhaxeysa KM4.

Gadiidka gargaarka deg dega ah ayaa dhawaaqooda la maqlayaa kuwaas oo kusii jeeda goobta ay wax ka dhaceen, maadaama khasaaro uu geystay qaraxaas.

Lama hubo goobta saxda uu ka dhacay qaraxa, balse jiho ahaan goobjoogayaal ayaa inoo sheegaya inuu yahay agagaarka Airport ka iyo inta u dhaxeysa KM4, halkaas oo ay ku yaallaan Hotelo badan.

Ma cadda khasaaraha saxda ah ee ka dhashay weerarkaa, balse wixii warar ah oo kusoo kordha halkan kala soco Shaaciye.com