Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Saldhiggaas ayaa Al-shabaab ay ku Garaaceen Madaafiic,waxaana Ciidamada Jabuuti ay ku Jawaabeen Madaafiic kale .
Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro soo gaaray Ciidankooda.
Hayeeshee weli ma jirto wax Faah-faahin intaas dheer oo ka soo baxay Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Galbeedka Magaalada Baledweyne.