Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay gacanta ku dhigeen Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta caasimadda in sarkaalkaan ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana Al-shabaab u qaabilsanaa dhibaateynta Shacabka Magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigee Wasiirka.
Ma shaacinin wasiirka Magaca Sarkaalka ay Ciidamada Dowladda Soomaliya ay gacanta ay ku dhigeen oo la sheegay in Al-shabaab uu u qaabilsanaa Gobolka Banaadir iyo goobta laga soo qabtay.