Waa Maxay Sababta Uu Madaxwayne Farmaajo Ugu Diray Fahad Yaasiin Dawladda Qatar? (Safar Iyo Sir Culus)

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo ayaa u diray dalka Qatar agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dawladda Doxa.

Sucuudiga ayaa dhawaan xaqiijiyay in ay ka jarteen dhammaan aasaasiyaadkii ay siin jireen dawladda Soomaaliya, baddalka xukuumadda Farmaajo ayaa diiradda saaraysa in ay ku wareejiso Qatar mashaariicdii ay ka heli jirtay Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Fahad oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Qatar, ayaa ah isku xiraha Soomaaliya iyo Qatar, maadaama uu sidoo kale horay uga soo shaqeeyay hillinka wararka ee Al-Jazeera qaybteeda la hadasha dadka afka Carbeed wax ku fahma.

Safarka Fahad ayaa imaanaya xilli dhawaan Soomaaliya ay diidday in ay $80 Million oo dollar ka qaadato Sucuudiga si ay u jarto xiriirka ay la leedahay dawladda Qatar.