Waa Kuwee 5-ta Banki Ee Aqoonsiga Bankiga Dhexe Helay?

Kadib barnaamij dib u dhiska Banka caalamiga ah ee World Bank uu ka waday Soomaaliya waxa ay suura galisay in Bankiga dhexe ee soomaaliya uu luguhiisa ku istaago, islamarkaana uu markan shatiga iyo sharciga ku shaqaysiga dalka uu siiyo qaar kamid ah bankiyada dalka ku yaalla.

5 Bank oo aan magacooda la sheegin ayaa la siiyay sharciga, waxaana markii hore ay ahaayeen 12 bank, kuwaas oo shan laga soo reebay.

dad ku dhaw dhaw Bankiga dhexe ayaa sheegay in 5ta Bank ay yihiin Dahabshiil, Salaama Bank, Primier Bank, IBS iyo Amal Bank oo dhammaan kamid ah bankiyada Soomaaliya ka hawl gala.

Qaabka isku dirka lacagaha ee dhanka Moobilada ayaa ah mid saameyn aad u wayn ku leh dalka, 75% lacagaha Soomaalida waxa ay maraan waddada Electronigga ah ee Mobilada sida EVC+Plus-ka iyo Zaad Service ka.

Tira koobkii ugu dambeyay waxa ay sheegayeen in 900 Million oo dollar Soomaalida ay ku isticmaaleen adeegyada noocaas oo kale, waxaana daliil u ah in maskiinka tuugsada iyo islaanta Khudaarta iibisaba ay isticmaalaan adeegga Mobile Money ga.