“Sidaad Waddooyinka Inooga Xirtay Baan Anna 5* Kugu Xiray”- Sheeko Cajiib Ah Oo Dhex Martay Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Dhallinyaradii Uu Tarakha La CIyaaray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, balse intii safarkaas yar uu kujiray wuxuu kasoo muuqday fagaaro yar oo ay ku ciyaarayeen qaar kamid ah dhallinta Muqdisho ciyaarta taraqa loo yaqaano.

Kheyre ayaa u camiray dhallinta tarakha ama kabriitka ay ciyaarayeen, hasa yeeshee mid kamid ah dhallintii ciyaaraysay ayaa keenay nasiibka la yiraahdo 5* oo ah labada tiro ee lagu xukuntamo marka la ciyaarayo taraqa.

Wiilka yar ayaa tiradii shanta ahayd ee uu keenay waxa uu ku xiray Ra’iisul wasaare Kheyre, markii uu waydiiyay sabbatana waxa uu ku sheegay in isagaba uu waddooyinka ka xirtay, Iskuulna ka joogay, taasna uu markiisa kaga aarsaday in uu Shan ku xiro.

Tirada 5* iyo 10* waa tirooyinka wax lagu xukumo marka la ciyaarayo taraqa, waxaana ay ahayd sheeko khiyaal ah oo laga sameeyay safarkii iyo kormeerkii Kheyre ee todobadkan.

Waaqac ahaanse waa macquul inay ku jireen dhallinta kuwa Iskuul aan aadin waddooyinka oo xirnaa awgeed, baddalkana sheekadan waxa ay ka tarjumaysaa dadka sidaas oo kale.