Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Dagamada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegay inay Dileen Sarkaalkii Hogaaminayey Ciidankii Al-Shabaab ee shalay Galinkii danbe Weerarka ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin dagmadaasi.
Taliyaha Booliska Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha Hoose Korneel Cali Maxamed Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in ay Dileen Saraalkii Al-shabaab ee Hogaaminayey Ciidanka Dagmada Soo weeraray ka dib Dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.
Sidoo kale Taliyaha Booliska Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha Hoose Korneel Cali Maxamed Aadan waxa uu tilmaamay in Ciidamada ay weerar dabagal ahaa ay ku qaadeen Fariismaha ay kasoo duulaan tageen Ciidamada Al-shaabab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab.