(Sawirro) Nin Sacuudiga Laga Soo Tarxiilay Oo Balcad Isku Dal-Dalay! (Qiso xanuun Badan)

Nin magaciisa lagu sheegay Axmadey Ibraahim Cali ayaa isku daldalay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe Koonfurta Soomaaliya.

Marxuumka is-dal dalay waxaa la sheegay in uu dhawaan ka yimid dalka Sucuudiga, islamarkaana laga soo tarxiilay, muddo yarna uu dalka joogo, intaasna uu la kulmay cadaadis badan oo dhanka nolosha ah.

Dadka indheer garadka ayaa aaminsan in dilka ninkan ay sabab u ahayd shaqo la’aan iyo buuq islahadal ka bilawday oo soo wajahay tan iyo markii uu dalka dib ugu soo noqday.

Maydkiisa oo geed ka lalma ayaa lagu soo baraarugay, se waaba Axmadey oo aysan naftu u nasin ba, xilli horeyna ka haadday, intaas kaddib reerkiisa iyo eheladiisa ayaa bilaabay in ay asturtaan meydkooda isaga lee is khaarijiyay, lamana oga sababta rasmiga ah ee uu isku dilay, balse dad badan wax ay fahansan yihiin in isla hadal iyo buuq soo wajahay taasna ay sabab u noqotay isdilka shaqsigan.

Dhawr jeer oo horey ayeey goobo kala duwan oo dalka ka dhacday in ay is dilaan dad qurbaha ka yimaaday, haba ugu badnaadeene dadka laga soo tarxiilay dalka Sucuudiga oo kamid ah waddamada ugu badan ee ay ka shaqeystaan Soomaalida qurba joogta ah.