Meeqo Lacaga Ayaa Kaga Khasaartay Milkiilayaasha Maqaayadda Pizza House Weerarkii Dhawaan Ka Dhacay Maqaayaddaas?

Pizza House waa mid kamid ah goobaha ugu waa wayn uguna caansan caasimadda Soomaaliya, marka laga soo tago maqaayad ahaan, waa goob loo soo dalxiis tago, oo ay ku kulmaan boqollaal dhallinyaro ah oo daafaha magaalada iyo deegaanada ku xeeran ka imaada.

Goobo lagu nasto, meelo la isku sawirro, hool biseel ah oo hadda dhismo uu ka socday, 7D ciyaar ah, iyo goobihii caadiga ahaa ee lagu cunteenayay ayeey ka koobnayd maqaayaddan, balse saacado yar ayeey kusoo gabagaboobeen dhammaan qurux walba oo ay lahayd maqaayaddan.
Pizza House waxa ay kaga duwan tahay maqaayadaha kale waxaa maalgashtay dhallinyaro Soomaaliyeed oo iskooda u shaqaysta, markii ugu horreysay waxaa lagu maalgaliyay adduun lacageed gaaraysa $300-kun oo dollar, balse wakhti kaddib waxa ay bilaabeen in ay dib u cusboonaysiiyaan dhismaha, iyagoo lacago kale oo dheeri ah ku daray; hasa yeeshee qaraxa ayaa geystay qasaaro lacageed oo gaaraysa $1650,000.

April 2016-kii ayeey ahayd markii ugu horreysay ee la furo maqaayaddan dhallintu ku diirsadeen, 14-bilood kaddib markii la furay waxaa ka dhacay qarax khasaaro badan geystay oo ay sheegteen mas’uuliyaddiisa ururka Alshabaab.

Cabaas oo kamid ah milkiilayaasha maqaayadda ayaa sheegay in waajib tahay in dib ay usoo kabsadaan, islamarkaana ay muujiyaan karti ah in ay awoodaan dib u yagleelka wax walba oo Pizza House ay u baahan tahay.

Haddaba waa imisa Khasaaraha soo gaaray Pizza qarixii 14-kii Bishan lala eegtay iyada iyo maqaayadda kale ee lagu cabeeyo ee Posh Treats.

Khasaaraha Maaliyadeed Ee Pizza House:

NO

Sheyga Gubtay

Lacagta

1

7D Oo Ku fadhiyay

$35,000

2

Hoolka Cusub:

$60,000

3

Agab iyo Mashiinnada

$40,000

4

Dhismaha

$20,000

5

Khasaare Kale:

$ 10,000

Guud Ahaan:

$165,000

Khasaarahan marka laga soo tago waxaa jira khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxaas, maadaama ay ku dhinteen dhawr qof oo kamid ah shaqaallaha Pizza, sida Shaah kariyihii u dhashay Suuriya, iyo Waardiye, Kabalyeeri, iyo qof kale oo kamid ah waaxda nadaafadda Maqaayaddaas.

Isku soo wada duub oo Pizza House iyo dhallinyaradii dhistay waxa ay u baahan yihiin maanta soo kabasho, maadaama lala beegsaday weerar iyaga oo aan wax dambi ah lahayn.