Madaxwaynaha Galmudug Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Qarsoodida Ah Ee Kala Dhexeeya Ahlu Sunna

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wada hadalada u dhaxeeya iyaga iyo maamulka Ahlu Sunnah.

Xaaf ayaa sheegay in aan ciddna ka warqabin wada hadalkaas, balse ay soo gudbin doonaan keliya wixii u qabsooma labada dhinac ee ay ku heshiiyaan, isagoona rejo badan ka muujiyay in dhawaan khilaafka lasoo afjeri doono.

Tan iyo markii la doortay madaxwayne Xaaf waxaa socday wada hadalo u dhaxeeya Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb, kaas oo meel wanaagsan marayay, hasa yeeshee hadalka Madaxwaynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Ahlu Sunnah ay weli gadoodkoodii ay ku maqan yihiin.

Gaalkacyo ayuu tegay, sidoo kale Caabud Waaq ayuu safar ku aaday Xaaf intii uu xilka hayay, balse weli ma qorsheysan in uu aado magaalooyinka ay ka taliyaan ururka Ahlu Sunnah ee gobolada dhexe jooga.