Ma Dhabbaa In Banaan Bax Dawladda Looga Soo Horjeedo Uu Ka Dhici Doono Magaalada Muqdisho? (Xog Muhiim Ah)

Warar Hoose oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay socdaan qabanqaabada dibad bax looga soo horjeedo dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka aan u riyaaqsanayn dawladda cusub ayaa cadaadis ku saaraya in la furo waddooyinka ay xirtay, iyo sidoo kale goobaha muhiimka ah ee dawladda u xiran, sida ay sheegayaan shaqsiyaad ku dhaw dhaw dadka qaban qaabinaya dibad baxaas.

Waa markii ugu horreysay ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaan bax dawlad looga soo horjeedo, balse waaba haddii ay ku dhiiradaan dadkaas doonaya in ay dawladda mucaaradaan, qorshaha noocaas oo kale oo dhif iyo naadir ka ah Muqdisho.

Waxaa dhici karta in uu baaqdo dibad baxa, balse warar hoose oo aan helayno waxa uu sheegaya in Qorshaha uu yahay in dhawaan dad la isku soo aad aaddiyo loo banaan bax yar ay kasameeyaan magaalada muqdisho, taas oo ay ku mucaaradayaan dawladda curddinka ah.