Faadumo Dayib Oo Xil Muhiim Ah Loo Magacaabay Iyo Farmaajo Oo Soo Dhaweeyay

Ex MUsharax Faadumo Dayib ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Haweenka Soomaaliya, waxaana warqaddeeda ka guddoomay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmaajo.

Fadumo oo kamid ahayd murashaxiintii bilawgii hore u hanqal taagayay madaxtinimada Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawr jeer lasoo shaqeysay hey’adaha Qaramada midoobay ee Arrimaha Soomaaliya danneeya.

“Waxa ay ii ahayd sharaf in aan xilkan la ii magacaabo, waxaana noqon doonaa qof sida ay tahay uga faa’iideye, in aan adi (Farmaajo) kula shaqeeyana waa wax kale oo wanagsan,” ayeey tiri Faadumo Dayib.

Ma ahayn xil uu magacaabay Farmaajo, balse isaga ayaa ka guddoomay warqaddii codsiga ahayd ee in ay noqoto guddomiyaha Qaramada Midoobay arrimaha xuquuqda haweenka Soomaaliya.