Dab Khasaaro Badan Geystay Oo Ka Kacay Dekadda Magaalada Berbera (Sawirro)

Wararka innaga soo gaaraya magaalada Berbera waxa ay sheegayaan in dab uu ka kacay dekedda magaaladaas, wakhtigii Afurka geeska Afrika.

Dadka ayaa kusoo baxay qiica iyo hollaca dabka, kaas oo ka kacay goobta loo yaqaano Baraxadda Wajaalle oo kamid ah Dekedda Berbera, islamarkaana kaabiga ku haysa Haamaha shidaalka ee dekaddaas camiran.

Axmed Yuusuf Dirir oo ah maareeyaha Dekadda Berbera ayaa saxaafadda u sheegay in uu dabka ka bilawday Kunteenar goobta yaallay oo dab uu taabtay, dabadeedna isqabsaday dhammaan dekadda oo idil.

Ugu Dambayn Maareeyaha ayaa caddeeyay in ay ku guuleeysteen daminta dabkaas xalayto saqdii dhexe, khasaraha uu geystayna ay dib kasoo sheegi doonaan marka ay helaan war sugan oo ku saabsan xaaladda dabkaas.