Xog laga helaayo’Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Degmada Xudur

Inta la xaqiijiyay 5-qof ayaa ku dhimatay 12-kalana way ku dhaawacantay kadib dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool koonfurta dalka Soomaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab in ay weerar ku qaadeen  Saldhig Malatari ay ku lahaayeen deegaanka El-Lahelay oo 20KM u jira Magalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dagaalyahanada weerar soo qaaday ayaa la xaqiijiyay in ay adeegsadanayeen hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana ay qarax dagaalka ku bilaabeen, dagaal toos ah ay la galeen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Koonnfur Galbeed Soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 5-ta dhimtay iyo 12-ka dhaawaca ah u badan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya , kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya.