Wiil Uu Adeer U Yahay Mid Kamid Ah Siyaasiyiinta Ugu Caansan Soomaalida Oo Hoggaaminayay Weerarkii Pizza House

Hey’adda Nabad sugidda qaranka ayaa weli baaritaan aan dhammaan ku wada dadkii kadambeeyay weerarkii ka dhacay maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, waxaase ay xaqiijisay in uu gaariga isqarxiyay uu waday wiil uu adeer u yahay Cabdalla Dayroow Isaaq AUN oo kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida, laguna magacaabo Cismaan Caliyoow Dayroow Isaaq.

sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in gaarigan uu kasoo baxay degmada Dayniille ee gobolka Banaadir, uunna soo maray degmada Hodan, gaar ahaan waddada Tarabbuunka, halkaas oo ay kula kulmeen ciidanka Imaaraadka, balse waxa ay isku sheegeen in ay yihiin ciidanka dawladda, maadaama ay wateen dharka ciidanka xasillinta caasimadda.

Markii ay kasoo gudbeen, waxa ay soo gaareen goobta ay kuyaallaan Maqaayadaha la qarxin doono, waxa ay kasoo galeen dhanka Tarabbuunka, waxaa uu durba muran dhex maray ciidanka illaalada Posh Treats oo wareysi ku bilaabay.

Ugu dambayn waxa ay ku qanciyeen in ay yihiin ciidanka nabad sugidda aynna hawl gal halkaas ugu sugan yihiin, wax yar kaddib, dablayda ayaa goobta ka fogaaday si ay kaga badbaadaan qaraxa, islamarkaana ay gudaha usoo galaan maqaayadaha la beegsaday.

Qaraxa ayaa dhacay, kaddib ciidankii gaariga la socday ee Alshabaab ayaa gudaha u galay goobta, dad badan ayeey ku laayeen, balse wararka hoose ee aan helayno waxa ay sheegayaan in darawalka gaarigaas uu ahaa wiil uu adeer u ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka SOomaaliya AUN Cabdalla Dayroow Isaaq, Cusmaan Caliyoow Dayroow Isaaq.

Warkan sidoo kale waxaa xaqiijin ugu filan in dhammaan dadka isku qarxiyay maqaayadahaas ay ahaayeen dad kasoo jeeda gobolka Baay oo isna uu kasoo jeeday Cabdalla Dayroow,kaas oo golaha shacabka dawladdii Kumeel gaarka ahayd  ee Carto lagu yagleelay soo maamulay sannadkii 2000.

Ma cadda magacyada shaqsiyaadka kale ee isku qarxiyay maqaayadda Posh iyo Tan kale ee Pizza House, hasa yeeshee waan idin soo gudbin doonaa wax walba oo kasoo kordha weerarkaas.