Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya oo Niyad Jabiyay Muwaadin Soomaliyeed

Wargeyska VG oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa Norway ayaa warbixin cajiib ah ka qoray Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Somalia Yuusuf Garaad Omar kaasoo shaki geliyey in Mahad Abiib uu kasoo jeedo Somalia iyo in kale.

Waxa unna Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya xaqiijiyey inuusan hubin in mahad uu kasoo jeedo Soomalia , xilli la tusay qaar kamid ah qoraallo kasoo baxay madax ka tirsan dowladda uu ku jiro Afheyeenka baaralamanka Jawaari.

Khudbad uu yuusuf garaad ka jeediyey magaalada Oslo ee dalka Norway xilli uu la kulmayay soomaalida Norway ayaa rajo xumo ku abuurtay dad badan oo reer Norway ah uu ku jiro mahad abiib kuwaasoo lagala noqday dhalashadii Norwegian-ka ee horay loo siiyey iyadoo Wasiirka khudbaddiisa ay aragti kala geddisan ka bixinayaan dadweynaha soomaaliyeed ee reer Norway maadaama uusan muujin Wasiirka wax isgarab taag ah ama wax u qabasho ah uu usameyn karo dadka ay dhibaaatooyinka ku heystaan Norway qaar baa caruurtooda laga qaatay kuwana sharciyadaa dib looga ceshtay mana heystaan wax xuquuq ah sida ay qaban dad badan oo wadankaan ku nool.