Waa Maxay Sababta Uu Ra’iisul Wasaare Kheyre U Doortay In Uu Habeenkii Oo Qura Sameeyo Kormeer? (Sheeko Cilmiyeed Xiiso Badan)

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la yimid dabeecad gooni ah, maadaama uu habeenkii qudha uu booqasho ku tego goobaha uu doonayo, iyo kormeerada kale ee uu sameeynayo.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid loogu turayo dadka shacabka ah, maadaama habeenkii aysan waddooyinka mashquul ahayn, baddalkana aan loo baahnayn in waddooyinka wax badan la xiro, halka maalinta ay u baahan tahay in waddooyinka la xiro, dawladduna aysan diyaar u ahayn hafaridda dadkeeda, sida ay qabaan jamaahiirta taabacsan dawladda Soomaaliya.

dhawaan ayeey ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha booqasho ku tegay 9 degmo oo kamid ah gobolka Banaadir, isagoona la kulmay dhallinyarada goobahaas, waxaana xusid mudan in xitaa ra’iisul wasaaraha uu wakhti la qaatay dhallintaas.

isku soo wada duub oo dawladda ayaa go’aansatay in wixii kormeer madaxda ah la sameeyo habeenkii, halka maalintiina dadka loo fasaxo waddooyinkooda, maadaama dawladdu horay u ballanqaadday in aysan waddooyinka xiri doonin.