Waa Kuma Shakhsiga Ka Dambeeya Mooshinka Lala Damacsan Yahay Ra’iisul Wasaare Kheyre? (Sir Qof Aadan Filayn)

Tan iyo markii la magacaabay bishii March sannadkan ra’iisul wasaare Kheyre, waxaa khilaaf aan dibadda soo bixin u dhaxeeyay isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Khilaafka labada dhinac ayaa bilaawday markii uu Kheyre ka reebay golihiisa wasiirrada Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday wasiirka Maaliyadda dawladdii Xasan Sheekh Maxamud, islamarkaana waxa ay saaxiibo dhaw yihiin Jawaari oo booskaas la damacsanaa saaxiibkiisa.

Kheyre ayaa ku adkeystay go’aanka ah in uusan waxba ka beddelayn, uuna dib usoo magacaabi doono marka isku shaandheynta uu sameynayo Lix kaddib magacaabistooda.

Wixii intaas kadambeyay Jawaari ayaan waji wanaagsan u hayn dhiggiisa Kheyre, waxaana illo ku dhaw Villa Hargeysa ay sheegayaan guddoomiyaha Baarlamaanka uu wado qorshaha guud ee Mooshinka looga keenayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaan diyaar u ahayn in uu fara geliyo khilaafka u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga yaabo in uu isku beddelo Mooshin marka July dib ay iskugu soo noqdaan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu warqad usoo diray Jawaari ay ku qoran tahay in qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ay damacsan yihiin Mooshin ka dhan ah xukuumadda Khayre.