Sidee Loogu Soo Dhaweeyay Fanaanka Axmed Cali Cigaal Waddanka Australia?

Fanaanka Axmed Cali Cigaal oo kamid ah shumacyadii fanka Soomaalida xilligii barya samaadkii ayaa safar ku tegay dalka Australia, waxaana halkaas kusoo dhawaysay boqolaal qofood oo aad u yaqaana islamarkaana xiiseeya fanka kuwaas oo kamid ah jaalliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Cigaal ayaa durba bilaabay sheekadii lagu yaqaanay, maadaama lagu tiriyo fanaaniinta ugu bulshaysan, sidaa dad badan ayaa wax ka faa’iideystay fanaanka oo reerkiisa aan la socon.

Sawirro badan in lala gallo, muuqaallo laga duubo, Snap Chat ka la geliyo ayuu ahaa mashquulka goobta lagu soo dhaweynayay Axmed Cali Cigaal fanaanka wayn.

haddaba ila daawo muuqaalka Soo dhawaynta CIgaal