Senator C/raxmaan Faroole oo u Jawaabay Wasiirka Dastuurka Soomaliya

Senator Cabdirxamaan Faroole  oo kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee dalka ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan  Xoosh Jibriil ee ahaa inaan dastuurka waxba laga bedelin, wuxuu sidoo kale Faroole sharxay dib u eegista Dastuurka lagu sameeyay.

“Waxaa uu qirtay in uu wax ka bedelay, oo isagu uu labo iyo saddex qodob ka sheegay wey ka badanyihiin, anagu qoraal baanu ka sameynay, wax qarsoona mahan International-ka waa ogyihiin, cid walbana waa haysata, wax uu qalday oo uu faraha geliyay iyo wax laga tegayba iyo wax faraha la geshey weeye, waxaa Dastuurka wax looga bedeli karaa oo qura, sida uu qeexayo markii la raaco nadaamka dastuurku qoraayo, oo ku cad articles-ka 132, 133, 134 oo nin waliba akhrisan karo.

“Waxaan dadka usoo jeedinaya wax yaqaan,ducomens-kaasi meel walbo waa yaalla, isagoo English ku turjuman, oo qoladii Loojistikada noo haysay iyo United Nation ay ku turjuntay English buu yaalla, lama qaldi karo cida dibedda jirta oo qaarkood waxyaqaana laakiin aan Afsoomaaliga aad u aqoon, kaa Englishka bay akhrisan karaan waa heli karan wuxu waafaqsanyahay kii la saxiixay, kan uu isagu wax ka taa taabtay ma waafaqsana, waxaan idiin sheegayaa Aflagaadada uu sameeyey oo uu leeyahay Cabdiraxmaan Jibriil, propoganda ayeey ahayd wixii aan ka qornay waagii aan anigu weliba Madaxweynaha ka ahaa Puntland, waa Aflagaaddo iyo madax goosasho iyo wax sharci la isku geyn karo weeye, waana qalad inuu saa yiraahdo, waana danbe , waana loo haysta lagu musaamixi maayo, arrintaasi waa intaas.

“Dowladda dhexe waxay kasoo gashaa, Golaheeda wasaaradaha, Prime ministerka , Madaxweynaha iyo wasiirkoodu waxay kasoo galaan inay soo magacaabaan, Guddigii farsamada oo wax yaqaan ah oo dastuurku siduu qorayo loo eegay, oo markaa kabacdi laga ansixiyey baarlamaanka labada aqalba laga ansixiyey, oo dad lagu aamini karo inay waxaa qabtaan ah, xisaabtankeedana uu leeyahay guddiga dib ka ilaalinta oo iyagu shaqada hadba ay qabanayaan u diraaya, kana check -gareenaya kulana xisaabtamaya , markaa ka bacdi baarlamaanka la geyn doono, saas weeye horta shaqadu”, ayuu yiri Senator Cabdirxamaan Faroole .