Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday 9 Degmo Oo Gobolka Banaadir Ah Iyo Sawirro Cajiib Ah

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqasho aan horay loo qorsheyn ku tagay qaar kamid ah isgoosyada magaalada Muqdisho.

Inkabadan 9 degmo ayuu isgoosyadooda ku booqday ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ciidanka xasillinta caasimadda oo hawl gal amaanka lagu sugayo kawada magaalada Muqdisho.

Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis waa degmooyinka uu tagay mudane, isagoona ku dhiira galinayay shacabka iyo ciidankaba in ay u shaqeeyaan islamarkaana meel kaga soo jeestaan ururka Alshabaab oo uu ku tilmaamay in ay yihiin cadawga ummadda Soomaaliyeed,

Sawirrada ayaa soo qabanayay Kheyre oo ku dhex jira dhallinyaro iska faraxsan oo uu xaafadahooda ku booqday, mana ahan markii ugu horreysay ee uu booqasho caynkan oo kale sameeyo ra’iisul wasaare Kheyre kaas oo kula afuray ciidanka xasillinta caasimadda Isgooyska KM4 intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan.

Xuquuqda Sawirka Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed Ee Sonna ayaa iska leh