Mid Kamid Ah Waddamada Ugu Waa Wayn Yurub Oo Oggolaaday Baasaboorka Soomaaliya

Maxamed Aadan Koofi oo ah agaasimaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dawladda Norway ay oggolaatay Baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan midka Diplomasiga ah.

Agaasimaha oo beryihii lasoo dhaafay waddamada Qaaradda Yurub iyo Wuqooyiga America ka dhaadhicinayay qaadashada iyo oggolaashaha Baasaboorka Diplomacy ga ayaa ugu dambayn maanta xaqiijiyay in maamulka Oslo ay aqbaleen islamarkaana loogu safri karo dalkaas Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan nooca diblomasiga.

Tan iyo markii uu dhacay Burburkii dawladdii dhexe, Soomaaliya waxaa soo wajahay dhibaato kala duwan, taas oo keentay in laga xirto xudduudaha waddamada caalamka oo diiday  Baasaboorka Soomaaliga.

weli lagama oggolaan Norway Basaboorka caadiga ah ee Soomaaliya, balse keliya kan Diplomacy ga ayeey siyaasiyiinta Soomaalida isticmaali karaan haddii ay doonayaan in ay u safraan dalka Norway.