Mid Kamid Ah Fanaaniinta Ugu Caansan Soomaalida Oo Fanka Ka Tawbad Keenay! (Magaciisa)

Axmed C/kariin Maxamed oo ku magac dheeraa Axmed Biif ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay fanka, islamarkaana uusan mar dambe kasoo muuqan doonin masrax musig laga tumayo.

Fanaanka oo hadda ku sugan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in uu ilaahay kaga tawbad keenay dhammaan dambigii uu galay intii uu fanka kujiray, wuxuuna ka codsaday dadka in ay iska dhaafaan dhagaysiga heesaha oo dambi ah sida uu hadalka u dhigay.

Biif ayaa soo duubay muuqaal isaga oo cimraysanaya kuna sugan dalka Sucuudiga, halkaas oo uu safar gaaban ku tegay, ma ahan markii ugu horreysay ee uu fanaan ka tawbad keeno dambiga heesaha, balse arrinta Biif waxa ay kusoo aadday isaga oo jooga Sucuudiga iyo bisha Barakeysan ee Ramadan oo lagu jiro.