Madaxwayne Farmaajo Xil Aan Waligeed Qof Dumar Ah Qaban U Magacaabay Ex- Xildhibaanad Aamina Siciid Xasan

Ex Xildhibaan Aamina Saciid Xasan oo kamid ah ahayd xildhibaanadii kumeel gaarka ayaa loogu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha SOomaaliya in ay tahay agaasime kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda madaxtooyada Villa SOomaalia.

Farmaajo ayaa dhawaan u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir agaasimaha madaxtooyada xilli saddex bilood gudahooda ay isku baddeleen saddex agaasime.

Fahad oo dhawaan uun la wareegay xafiiska ayaa doonaya in uu isbaddal ku sameeyo dhanka shaqaalaha Villa Somalia, wareegtadan se waxa ay kusoo aadaysaa xilli Fahad Yaasiin uu diyaar u ahaa isku shaandhayn iyo kala xulid, taas oo sii fududeynaysa shaqada agaasimaha cusub.

Aamiina Siciid Xasan waxa ay horay ula soo shaqaysay hey’ado kala duwan, iyadoo dhanka kale soo noqotay xildhiban qaran intii lagu jiray dawladihii kumeel gaarka, balse xilkan loo magacaabay wuxuu yahay kii ugu horeyay ee loo magacaabo qof dumar ah, taas oo muujinaysa saamiga ay dumarka ku leeyihiin dawladdan Farmaajo uu madaxwaynaha u yahay.