Halkee Buu Ku Yaallaa Guriga Laga Soo Abaabulay Weerarkii Posh & Pizza House? (Warbixin Xasaasi Ah)

Ciidanka Nabad sugidda Qaranka ayaa weerar ku qaaday guri laga shakiyay oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas sida la sheegay ahaa saldhig yar oo Alshabaab Muqdisho ku lahaayeen.

Saddex dhallinyaro ayaa ku sugnayd guriga, halka uu ku lamaansanaa taliyahooda guud ee alshabaab, ciidanka Nabad sugidda ayaa isku dayay in ay guriga u tallaabaan, balse dhallinyaradii Shabaab ka ahayd ayaa iska caabin kala hortagay, taas oo keentay in halkaas khasaaro uu ka dhasho.

Ciidanka Nabad sugidda ayaa caddeeyay in gurigan uu yahay kii laga soo abaabulay qaraxyadii khasaaraha geystay ee ka dhacay dhammaadka todobaadkii lasoo dhaafay maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho.

wixii warar ah ee kasoo kordha  hawlgalka ciidanka Amaanka ay ka sameynayaan degmada Dayniile dib ayaan idinka kala soo socodsiin doonnaa haddii uu u ilaahay ka raalli noqdo.