Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Kulan Afur Ah U Sameeyay Guddoomiyayaashii Hore Ee Degmooyinka Gobolka Iyo Kuwa Cusubba

Hotel SYL Muqdisho caawa waxaa ka dhacay Af-Fur uu guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed u sameeyay guddoomiyayaashii hore ee gobolka Banaadir iyo kuwa cusubba.

Shirkan ayaa ahaa wada tashi iyo mid tallooyin la isku waydaarsanayay, waxaana soo qaban qaabiyay guddoomiyaha gobolka, kaas oo dhawaan xilka ka qaaday 15 guddoomiye oo kamid ahaa guddoomiyayaasha 17-ka  degmo ee gobolka uu ka kooban yahay.

dhawaan ayeey ahayd markii uu madaxwaynaha qaranka la kulmay guddoomiyayaashii hore ee gobolka, isagoona u ballanqaaday in aan la dayici doonin amaankoodana la sugi doono, maadaama ay cadaw leeyihiin, si lamid Thabit Cabdi ayaa maraya waddadii madaxwaynaha isagoo ballanqaadyo kala duwan u sameeyay guddoomiyayaashii xilka laga qaaday.