Dhallinyaro Iskood Isku Xilqaamtay Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Pizza House (Sawirro)

Dhallinyaro iskaa Wax u qabso ah ayaa saakay isu soo xilqaamay in ay nadiifiyaan Maqaayadda Pizza House ee magaalada Muqdisho, taas oo uu saamayn ku yeeshay qaraxii dhammaadkii todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Hotalkaas.

Gabdho iyo wiil ka kala yimid daafaha magaalada Muqdisho ayaa olole lagu nadaafadaynayo ka bilaabay hoolalka iyo barxadihii lagu dagaalamay habeenkii Jimcaha soo galaysay, waxaana ka muuqatay dhibaato iyo murugo wajigooda, qaar kamid ah dhallinyaradan waxay kujireen weerarka oo ay ka badbaadeen inta aan la isa soo gaarin.

horay ayeey ugu ballameen dhallinta Muqdisho ee isticmaasha baraha Bulshada in si iskaa wax u qabso ah ugu shaqeeyaan unna nadiifiyaan Pizza House oo ahayd mid kamid ah goobaha ugu billicda wanaagsan muuqaal ahaan magaalada Muqdisho.

inkabadan 20-qofood ayaa ku geeriyootay weerar ay alshabaab sheegteen mas’uuliyaddooda oo ka dhacay Hotelada Posh Treats iyo Pizza House Muqdisho, dib u milicsiga habeenkii Khamiista ay qoriga u dhiibaysay Jimcaha.

Daawo Sawirrada