DEG DEG: Shan Saraakiil Oo Kamid Ah Booliska Oo Ku Geeriyooday Weerar Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Xarunta Ugu Wayn Booliska

Inkabadan Shan Sarkaal oo kamid ah saraakiisha Booliska dalka Afganistan ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen weerar saakay ay ku qaadeen ururka Taliban saldhigga Bari ee Booliiska Afganistaan, sida ay xaqiijisay wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaas.

Sardar Wali Tabasim oo ah af-hayeenka booliska gobolka Paktia ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 8-sarkaal kale ay dhaawac yihiin kaddib weerarkas khasaaraha badan gaystay ee ka dhacay saldhigga ciidanka Booliska ay ku lahaayeen Bariga Afganistan.

Taalibban ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana xaqiijiyay Zabihullah Mujahid oo ah Afhayeenka ururkaas, kaddob war murtiyadeed ay soo saareen oo Nuqul kamid ah uu soo gaaray hillinka wararka ee Al-Jazeera qaybteeda la hadasha dadka English wax ku fahma.

Weerarada noocan oo kale waa kuwa xoogaysta marka la gaaro bisha Ramadan, maadaama kooxaha Islaamiyiinta ay aaminsan yihiin in camalkooda la laba laabayo haddii ay Jihaad tagaan.

wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socod siin doonnaa haddii uu rabbi ka raali noqdo.