Banaan Bax Dunida Oo Idil Ka Qosliyay Oo Ka Dhacay Spain Iyo Dibad Baxayaasha Oo Arrin Lala Yaabo Ka Codsaday Dawladdooda

Isu Soo bax noociisa kii ugu horreyay ah ayaa ka dhacay magaala madaxda dalka Spain ee Madrid, kaas oo ay kasoo qayb galeen kumannaan dad wayne u carraysan dawladda dalkaas.

Banaan baxayaasha ayaa ka dalbanayay dawladda in ay albaabka u furaan qaxootiga, aynna diiwaan galiyaan inkabadan 17,000 Oo qofood, kaas oo qayb ka ah qorshaha dib u dejinta Yurub.

Spain ayaa kamid ah waddamada aan inta badan qaadan qaxootiga, maadaama dhaqaalle ahaan uu ka liito waddamada qaata dadka magan-galyo doonka ah, sida Germany, Italy, England, iyo France.

“Furra Xudduudaha,” iyo erayo lamid ah oo Spainish ah ayeey ku qaylinayeen dhammaan dadkii iskugu soo baxay dibad baxaas cajiibka ahaa.

Banaan baxaan ayaa imaanaya xilli maalinta Tallaadada ah ee nasoo haysa ay ku beegan tahay maalinta qaxootiga adduunka, oo dunida oo idil lagu maamuuso.

dadka Spainish ka ayaa dawladdooda ku riixaya in ay samayso kaalmo banii aadamnimo, taas oo ku aaddan in loo oggolaado dalkaas dhammaan dadka Magan-galyo doonka ah ee doonaya in ay soo galaan gudaha dalkaas.