137-Xildhibaan Oo Saxiixay Mooshin Ka Dhan Ah Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Farmaajo Oo Gacan Ka Taagtay arrintaas!

Warar hoose oo aan ka helnay madaxtooyada ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uusoo koray culeys dhan walba kaas oo kaga imaanaya dhanka Baarlamaanka, iyo madaxwaynaha.

Kheyre oo si aqlabiyad leh loo ansixiyay bartamihii bishii March ayaa soo bandhigin shaqo hawleed u cuntami karta xildhibaanada Golaha shacabka, oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Baarlamaanka Md Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

inkabadan 137-xildhibaan ayaa hadda saxiixday mooshinkan horay loo diyaariyay, halka 50 xildhibaan kalena ay u riyaaqsan yihiin, hasa yeeshee aysan weli saxiixin Mooshinka, taas oo la micno ah in aqlabiyadda Baarlamaanka ay kasoo horjeeddo ra’iisul wasaare Kheyre.

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheedda ka daawan doona loolanka Baarlamaanka iyo Kheyre meesha uu tago, diyaarna uma aha sida warar hoose sheegayaan in uu difaaco ra’iisul wasaarihiisa, maadaama ay isku khilaafeen dhanka siyaasadda.

Qorshaha tuurista ama Mooshin ka keen-ka Kheyre wuxuu ku aaddan yahay bishan July marka dib la iskugu soo noqdo kal-fadhiga Baarlamaanka oo hadda fasax kumaqan.